abaaraha
|

(SAWIRRO) Shirkada Isgaarsiinta ee Golis oo 50,000 dollar ugu deeqday garoonka diyaaradaha Garowe

(Pi Garowe) Shirkada Isgaarsiinta ee Golis ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Garowe waxay ugu deeqday dhaqaale dhan $50,000 dollar oo ay uga qeyb qaadanayso dhameystirka iyo casriyaynta madaarka Garowe oo hadda gaba gabo ku dhow.

Lacagtaan ayay shirkada Golis ku wareejisay guddiga casriyaynta garoonka oo uu hormuud u yahay madaxeynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxman Faroole haatana ah xildhibaan katirsan gollaha aqalka sare ee Soomaaliya.

Shiekh Fu,aad Afloow oo ah madaxa suuqgeynta Shirkadda Golis ayaa sheegay in qorshahani qeyb ka yahay deeqaha GOLIS ay ku maalgaliso dalkeeda, wuxuuna sheegay inaysan noqon doonin tan kaliya oo ay shirkaddu kaga qeybqaadanayso Leyr_galinta Garoonka Diyaaradaha Garowe.

Dhinaca kale waxaa isla munaasabada guddiga Layr galinta Garoonka Diyaaradaha Garowe lagu gudoonsiiyay lacag dhan 1000,000  (Kun dollar) oo ay iska soo aruuriyeen shaqaalaha shirkadda GOLIS qeybtooda ka hawlgasha Gobolka Nugaal

Guddiga casriyaynta garoonka ayaa sheegay dhaqaalahaan iyo qaar kaloo gacanta lagu hayo in lagu bixindoono sidii garoonka loogu xiri lahaa nalal casri ah oo ka saacidaya in diyaaraduhu maalin iyo habeenba ay kasoo dagi karaan.

Guddigu waxay si lama ilaawaan ah ugu mahad celiyeen shirkada Golis oo dhaqalahaan tirada badan ay ku caawisay dhismaha garoonka Garowe oo baahi weyn u qabay in loo helo dhaqaale bulshada ka yimaada.

Puntladi.com

 

 

You must be logged in to post a comment Login