|

Shirkii Arrimaha Dastuurka Ee Muqdisho Oo Fashilmay

Shir looga hadli lahaa Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya oo maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho, ayaa fashilmay, ka dib markii ay qaadaceen ka qayb galkiisa Madaxda maamul goboleedada.

Inkasta oo ay jiraan dad ka yimi Qurbaha oo Muqdisho u tagay ka qayb galka snhirka, hadana ururada bulshada rayidka ah ee maamulada dalka ayaanm u sarfin Muqdisho, kuwaas oo qaatay amarka kaso baxay maamuladooda.

Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa ah qodob xasaasi ah, kaasi oo looga baahnaa dawlada Soomaaliya inay si wayn uga fiirsato.

Maamul goboleedada, ayaan xiriir wada shaqayn oo wannaagsan la lahayn dawlada Federaalka Soomaaliya, arrintaas oo keentay in Madaxda maamuladu ay qorsheeyaan shir looga hadlayo xaalada Soomaaliya oo maanta lagu wado inuu ka furmo Muqdisho.

Si kastaba ha ahate, arrimahan ayaa kuso beegmaya xilli maamulada Soomaaliya ay ku eedeynayaan dawlada Federaalka inay fara gelin ku hayso maamul goboleedada.

www.puntlandi.com.

 

You must be logged in to post a comment Login