|

Shirkii Kismaayo oo soo dhamaaday iyo madaxdii maamulada oo booqday degaanka Goobweyn.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubbaland, ayaa sheegaya inuu soo dhammaaday shirkii saddexdii maalmood halkaas uga socday madaxweynayaasha shanta dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah dowladda federalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa lagasoo saaray go’aamo wax ku ool ah, inkastoo aan weli warbaahinta loo shaacin go’aamadaan, sida aan kasoo xiganay illo ku sugan magaalada Kismaayo.

Madaxda ayaa booqasho gaaban ku tagay degaanka loo dalxiis tago ee Goobweyn halkaas oo ay ku qaateen waqti gaaban oo nasasho iyo damaashaad ah, kadibna waxay ku laabteen magaalada Kismaayo oo la filayo in maalinta berito ah lagusoo bandhigo go’aanada shirka.

La socda Puntlandi wixii soo kordha.

 

 

 

 

Comments are closed