|

Shirkii ugu horeeyay ee madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka dhacaya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta shirkii ugu horeeyay oo noociisa ah magaalada Muqdisho kula yeelanaya madaxweynayaasha dowladdaha xubinta ka ah dowladda federalka.

Shirkaan oo ah mid mid heerkiisu sareeyo ayaa lagaga arrinsandoonaa afar qodob oo kala ah, siyaasada dowladda cusub ee Farmaajo, ammaanka iyo abaaraha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah shirka kahor la qaatay madaxweynayaasha. Sidoo kale wakiilada beesha caalamka ayaa iyaguna la kulmay madaxweyne-yaasha.

Wuxuu shirkaan ka dhicidoonaan xarunta xalane ee Midowga Afrika.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay shirkaan inuu qeyb ka yahay qorshaha lagu wajahayo shirka May ka dhicidoono London ee dalka Ingiriiska, kaasoo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Puntlandi.com

Comments are closed