Sidee ku bilowday heshiiska lagusoo saarayo shidalka Puntland
Shidaalka ku jira Puntland raadintiisu waxay ahayd mid soo martay mar xalado kala duwan, waxayna si toosa usoo bilaabantay sagaashadii xiligaas oo Dowladii xiligaas jirtay u tafa xaydatay in la helo cid baarta shidaalka Puntland ku jira, Madaxweynihii xiligaas Puntland mudane Cade Muuse iyo wasiirkiisii Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah oo uu xiligaas ahaa Cabdiraxmaan Sh. MM. Faroole waxay u tafa xayteen in shidaalka Puntland lasoo saaro.
Terry Donnelly iyo Anthony Black oo ka socday shirkad ku xeeldheer shidaalka oo Australian ah ayaa yimid Puntland si ay ula kulmaan hogaamiyayaasha Puntland una baaraan shidalka Puntland.
Bishii abril sanadkii 2005 ayaa Madaxweyne Cade Muuse iyo Wasiirkiisii Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Cabdiraxmaan Sh. MM. Faroole (Madaxwaynaha hada Puntland) iyo Terry Donnelly ayaa Dubay u wada dhoofay si ay ula kulmaan shirkadaha baara shidaalka ayna usoo wada saxiixdaan heshiis hordhac ah oo lagu baaro shidalka, kulan yar ka dib intaan heshiiskii la saxiixan waxaa soo baxay qodobo hor istagay in heshiis Puntland saxiixdo iyadoon Dowlada Dhexe ee Soomaaliya meesha ka maqantahay, sidaas awgeed waftigii Puntland waxay usoo dhoofeen Nairobi oo xiligaas uu joogay Madaxweynihii Soomaaliya Cabdullahi Yusuf si ay u helaan saxiixa TFG, Madaxweyne Cade Muuse iyo Waiirkiisa Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah oo xiligaas uu ahaa Madaxweyne Faroole ayaa nairobi ku la kulmey Madaxweyne Cabdullahi yusuf iyo Wasiiro ka tirsan TFG, kulankaas wuxuu noqdey mid an u dhicin sidii Puntland rabtay oo Madaxweyne Cabdullahi Yusuf waxaa ku adkaatay inuu Wasiiradiisa TFG ka dhaadhiciyo in Puntland heshiiskaas saxiixdo iyadoo matalaysa Soomaaliya, kulankiina wuxuu noqdey mid ay kukala kacaan Puntland oo uu hormuud ahaa Cade Muuse iyo TFG oo uu hormuud u ahaa Cabdullahi Yusuf, TFG waxay kulankaas ishortaagtay inPuntland heshiis la saxiixato shiradaha shidalka, madaxweyne Cade Muuse wuxuu maalintaas u xanaaqay Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf, isla habaynkii ayaa madaxweyne Cabdullahi Yusuf wuxuu tlf kula hadlay Madaxweyne Cade Muse, inkastoo aan la sheegin wixii ay kuwada hadleen, isla subixiina Waftigii Puntland waxay u duuleen Garowe.
Bil ka dib Waftigii Puntland oo uu hormuud ka ahaa Madaxweyne Cade Muuse waxay markale u safreen Dubai, waxayna marakan heshiis lasoo galayeen Shirkado baara shidaalka Puntland, 30 ogosto 2005 ayaa Hotel Hilton ee Dubai waxaa ka dhacay kulan albaabadu u xiran yihiin oo ay goobjoog ahaayeen Madaxweyne Cade Muuse iyo Wasiirkiisa Xiriirka Caalamiga Mr. Faroole waxayna heshiis la saxiixdeen shirkadaha hada shidaalka ka baaraya Puntland iyagoon haysan ogolaanshaha TFG.
Maalmo ka dibna waxay shirkadihii Puntland usoo direen khubaro iyo qalabkooda waxaana dhidibada loo taagay celasha Nugaal iyo Dharoor iyagoo qalabkii isla markiiba lagu rakibay si loo baaro shidaalka.
TFG markii ay kawar heshay imaatinka shirkadahaan waxay soo saareen digniino ay u dirayaan shirkadaha imaanaya Soomaaliya waxayna ku amreen in aysoo maraan TFG, lakiin Puntland waxay xiligaas shafka u garaacday inay iyadu masuul ka tahay cidii imaanaysa Puntland iyo amaankooda, Shirkadahaan shidaalka baarayaa sidaas awgeed way iska dhaga tireen amarka ka iyo hanjabaada ka imaanaysa TFG. Hanjabaadaha waxaa ka dambeeyey Ra’iisal wasaarihii xiligaas Maxamed Cali Geedi.
Arinta ayaa markiiba cirka isku taagtay, maalmo ka dib 9 septembar 2005 ayaa madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi yusuf wuxuu waraysi siiyay BBC wuxuuna shegey in shidaalka iyo khayraadka ku jira Soomaaliya soosaaridiisa ay masuul ka tahay Dowlada dhexe, maalmo ka dib wasiirkii khayraadka Dihin e Soomaaliya oo isagu aad ugasoo horjeedey qorshaha Puntalnd ayaa Cabdullahi Yusuf ku eedeeyey inuu si hoose ula shaqaynayo Puntland, xiligaas Dowladu waxay joogtay Jawhar.
Maalmo ka dib Wasiiro ka tirsan TFG waxay cadeeyeen in heshiiska dhex maray Puntland iyo shirkadahaan ajnabiga ah uu sharci daro yahay maadaama aysan Dowlada dhexe wax ka saxiixin, arintaanw waxay Puntland ku noqotay marxalad cusub oo ishortaagi karta shaqada ay shirkaduhu bilaabeen.
Puntland waxay wafti deg deg ah usoo direen 29 septembar 2005 mgaalada Jowhar oo xiligaas ahayd xarunta TFG waxaa waftigaas hogaaminayay Gaagaab oo ahaa wasiirka maaliyada Puntland xiligaas, ujeedada waftigaan waxay ahayd inay waraqaha heshiiska kasoo saxiixaan TFG, lakiin waa kusoo guul dareysteen.
Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo ahaa xiligaas Madaxweynaha TFG ahaana aasaasihii Puntland wuxuu wadahadal hoose la yeeshey Ra’iisalwasaare Geedi waxayna ka wada hadleen arimaha shidalka iyo Puntland, Geedi wuxuu cadeeyey inaan shidaalka aysan soo saaran karin Puntland xiligaas, madaxwyne Yusuf wuxuu maalmo ka dib la kulmay koox ka tirsan Baarlamaanka soo maaliya si ay ugsoo shaqeeyaan sharci cusub oo kusabsan Maamul goboleedyada iyo khayraadka Wadanka.
Dhinaca kale Dowlada TFG oo xiligaas joogtey Jowhar waxaa cadaadis uga socday qabqablayaashii Dagaalka oo Qaarkood Jowhar haysteen Dowladuna marti u ahayd.
Dowladii waxay u guurtay Baidhabo, Puntland waxay wali dadaaal ugu jirtey inay hesho saxiixa TFG.
Booaqashadii Madaxweyne Cabdullahi yusuf booqday Shiinaha ayaa shirkado Shiinaysa isku dayeen inay heshiis shidaal baaris ah lagalaan Soomaaliya.
Si Puntland u hesho saxiixa TFG oo ay si xor ah u hesho awood ay shirkado caalami ah ula saxiixan karto heshiis waxay qaadatay mudo dheer waxayna soo martay Marxalado kala duwan, Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo xiligaas ahaa Madaxweynaha Soomaaliya wuu saxiixi karay heshiiskaas lakiin waxaa hortaagnaa sida laga soo xigtey xafiiskiisa cadaadis siyaasadeed.
Bishii Feebaraayo 3 deedii 2008 ayaa Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo kasoo baxay Isbitaal uu baaritaan ugu yimid London wuxuu qorshuhu ahaa inuu u duulo Baydhabo balse wuxuu si deg deg ah ugu duulay Itoobiya si uu ula kulmo Madaxweyne Cade Muuse, lama sheegin waxay kawada hadleen.
Dagaal dheer ka dib waxay Puntland ku guulaysatay inay iskeed iyadoo matalaysa Soomaaliya ay heshiis caalami ah saxiixi karto iyadoon u baahan TFG, waxayna awoodaan ku heshay heshiis ay TFG wada gaareen, kasoo ku salaysan khayraadka la helo sida loo qaybsanayo, Waxaa kaloo Puntland mar walba ka go’naa ama niyada ku hayeen in wax walba oo laga helo Puntland ay Soomaali u simantahay.
Qaybta labaad ee Side ku bilowday shdaalka Puntland waxaan ku eegaynaa shirkadaha baaraya shidaalka, dhowaan ayaana idiin soo gudbinaynaa
Xuquuqda qoraalka waxaa iska leh Puntlandi.com


