|

Siximad Xalay Saqdhexe Dhigtay Maydka Laba Qof Xeebaha Durduri Ee Gobolka Sanaag

Maydka laba qof oo la dilay, ayaa keenay xeebta Deegaanka Durduri oo 50-KM u jirta degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Waxaa Maydka labada qof Xeebta la keenay xalay saqdhexe sida dadka deegaanku ay Puntlandi u xaqiijiyeen, waxaana keenay Siximad, taas oo ka noqotay goobta ka dib markii ay dhigtay xeebta.

Wararku waxay intaas ku darayaan in qof saddexaad oo dhaawac ah ay dhigtay Siximadu, kaas oo aan la aqoon halka uu ku dambeeyay.

Illaa iyo hadda lama yaqaan cida ka dambaysay dilka Marxuumiinta, waxaana dhacdadan laga hadal hayaa gobolka Sanaag, balse falka lagu dilay ayaa ka dhacay gudaha badda, lamase yaqaan sida ay wax u dhaceen.

Warar kala duwan ayaa kaso baxaya hannaanka uu u dhacy falka lagu dilay labada Marxuum, mana jirto wax War ah oo wali kaso baxay dawlada Puntland oo ku saabsan dilka labada qof.

Xiriiro kala duwan oo aan la samaynay Laamaha amniga Gobolka Sanaag ayaa noo sheegay inay wadaan baaritaano, ayna dib ka bixin doonaan Warbixin.

Wixii Kaso Kordha Warkan Dib ayaan ka Daabacaynaa hadduu EEBE idmo.

www.puntlandi.com.

You must be logged in to post a comment Login