abaaraha
|

Siyaasi Cali Xaaji Warsame Oo U Safray Kenya

Musharax Madaxweyne Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa maanta ka duulay magaalada Muqdisho ee xarunta Gobolka Banaadir, wuxuuna u u safray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Safarka Cali Xaaji ee Nairobi ayaa ujeedadiisa ay tahay arrimo khuseeta Doorashadda Soomaaliya, waxaana Kenya isugu tagi doona Musharixiin badan oo isbadal doon ah sida aan Wararka ku helayno.

Siyaasi Cali Xaaji ayaa qayb ka ah Musharixiinta wada Ol’olaha balaaran ee doonaya in isbadal uu ka dhaco dalka sanadka 2017-ka, waxaana uu ka mid yahay Musharixiinta muddooyinkiii ugu dambeeyay waday Ol’olaha balaaran.

Dr. Cali ayaa lagu xasuustaa taariikhdii uu ka dhigay Doorashadii Puntland iyo hormarinta Waxbarashada mudadii uu xilka hayay, waxaana doorkiisa Siyaasadeed uu ku mutaystay cadaawad uga timi Siyaasiyiin uu saaciday.

Wixii kaso kordha Warka Musharax Cali Xaaji Dib ayaan kaso daabacaynaa.

www.puntlandi.com.

Comments are closed