|

Somaali kugu Khasaartay : – Ex-M/weyne Xasan Sheekh oo Wereerkii Argagixisada ee Baladweyne uga Tacsiyey Ismaciil Cumar Gelle, Isla markaana Taageraya Colaada Aragixisada ka wado Gaalkacyo

Madaxweynaha waqtigiisii dhamaaday ee Dawlada Federaalka ee Muqdisho Mudane Xasan Sheekh ayaa sidii caadadiisa aheyd Tacsi boobsiis ah u diray Madaxweynaha Dawlada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle waxyeeladii ka soo gaartay ciidanka Jabuuti ee fadhigoodu yahay Magaalada Beledweyne weererkii Isqarxinta ahaa ee kooxada Argagixisada Al-Shabaab ku qadeen Saaka.

Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhambaalkiisa Tacsida ku xusay sida uu uga xun yahay dhaawaca iyo dhimashada soo gaartay Ciidamada aan Walaalaha nahay ee Jabuuti ( waa siduu hadalka u dhigaye ).

Nasiib daro Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu dhagaha ka fureystay,isla markaana ka gaabsaday inuu u Tacsiyeeyo, dareenkiisa Hogaamiye Qaran uu u muujiyey dadka ah Shacbiga Soomaaliyeed ee dhaawac iyo dhimashadu ka soo gaartay dagaalada iyo isqarxinta Isbaheysiga Aragixisadu ka wadaan Magaalada Gaalkacyo iyo deegano badan oo ka mid ah Dalka.

Taa badelkeeda waxaa Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh lagu eedeynayaa inuu hurinayo ,una nugul yahay caadifada colaada qabyaaladeed, isagoo isla markaana Awood ciidan iyo mid dhaqaale ku taageeraya weerarada iyo Colaad Isbaheysiga Agagixisadu ka wadaan Magaalada Gaalkacyo,isagoo xitaa ka xishoon waayey in uu Diyaarado ku soo daadgureeyo, oo keeno Caasimada Qaranka dhaawacyadii gacan ku dhiiglayaashii ku soo dhaawacmay dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo.

Ma aha markii ugu horeysay ee Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku deg dego Tacsida Dawladaha deriska ah isagoo u adeegaya maslaxadiisa shakhsiga aha,ama taageero uga raadsanaya ololaha uu ugu jiro haysashada xukunka dalka,waxaase Xusuus mudan dhacdooyin badan oo ay ka mid aheyd midii ka dhacday Degmada Ceel-Cade,oo Madaxweynaha lagu eedeyey in aanu waxa dareen iyo damqasho ah u laheyn dhibka,dhawwaca iyo dhimashada joogtada ah ee maalin walba soo gaareysa Shacbiga Somaaliyeed.

Halkan ka akhri Tacsidii boobsiiska aheyd ee Ex-Madxweyne Xasan Sheekh u firay Dawlada Jabuuti

20161025_145153

u-sujuudida-xasan-shiikh-ee-meydadka-ciidamadii-kenya-iyo-iska-indho-tirka-xasuuqa-shacabka-soomaaliyeed

Halkan ka fiirso Ceebtii iyo Fadeexadii M/weyne Xasan Sheekh ka raacday dhacdadii Ceel-Cade

Comments are closed