|

SOOMAALIYA MA MADAX WANAAGSAN BAY LA’DAHAY MISE MAAMUL SUUBAN ?

Wixii ka dambeeyey doorashadii iyo dhismihii dawladdii carta waxay umadda soomaaliyeed dareemyeen rajo dawladnimo iyo sansaan dib u dhalasho, kadib markii ay meel iska dhigeen toban sano oo ku suntanaayd inay yihiin dad aan waxba ku heshiin karin.

Laga soo bilaabo dhismihii dawladdii cabdiqaasim Salaad illaa iminka dalka waxaa soo maray shan madaxwayne iyo labo iyo toban raysalwazaare, waxaa jira labo fal-celis oo ay madaxdani shacabka soomaaliyeed kala kulmayeen marka ugu horaysa ee la doorto iyo dhamaadka kolka ay kursiga banaynayaan. Waa midda koobaade waxaa loo soo dhaweeyaa si xad kabaxa oo aan innaba waaqica ku salaysnayn.

Tan labaadina waxaa weeye in wax yar kabacdiba loo naco si xad kabaxa oo aan waxba la xeerinayn. Haddaba su’aasha muhiimkaa waxaa weeye ma hoggaanka soomaaliyeed baa ah mid ka aradan hoggaaminta suuban mise xaaladaha qalafsan ee inaku xeeran ayaa sabab u ah fal-celiska shacabkeena?

Waxaan aaminsanahay in badan oo kamida hogaanka dalkeenu inuusan ahayn mid ku haboon inuu hogmaamiyo dal sideenna oo kale u fashilay, ayna ku yartahay dabeecadihii laga rabay hoggaamiyaha xiliga adag, lagana yaabi lahaa haddii ay is tijaabin lahaayeen xilli aan mid kaan ahayn in shacabku fal-celis midkaan ka duwan ka keeni lahaa.

Laakiin ujeeddada qormadaydani ma ahan mid ku saabsan hoggaanka mana ihi mid hoggaamiyayaasha eedda dusha u saaraya ee waxaan doonayaa inaan iftiimiyo in waxa inaga maqani ee koobaadi aysan ahayn hoggaan suuban ee ay tahay qaranimo,dawladnimo, sharci, kala dambayn, iyo amaan la’aan baahday
Meel aysan intaasi qumaati uga shaqaynayna ay adagtahay in hoggaanku uu noqdo mid hagaagsan.

In la helo nidaam isku dubaridan oo si waafiya u shaqaynayaa maahan wax ku yimaada habayn iyo meelin ee waa geedi socod qaata sanado badan sabirna u baahan, waxaana jira umuuro waawayn oo aan looga maarmayn ka mira-dhalinta geedi socodkaas, waxaana ka mida.

QARAN-DHISID

Qaran waxaa la yiraahdaa dalad kulmisa ciid,calan iyo umad ay ka dhaxayso af, dhaqan, qiyam, hidde iyo taariih.

Qaranimaddu waa wax ka guda wayn dawladnimadda waana suufka iyo xanjada bulsho isku haya, maxaa yeelay waxa ay tilmaantaa waxa ka dhaxeeya bulshadaas oo ah taariikh ay wada leeyihiin iyo dhaqan soo jireena oo ay unasab sheegtaan.

Nasiibdaro waxaa jira waddamo aysan u fududaan inay dhistaan qaran sal-adag leh maxaa yeelay waxaa kala gadisan qoomiyadaha ku nool, afafka looga hadlo iyo diimaha laga haysto. Meesha ay jiraan kuwa kale oo xal u helay mushkiladda kala gadisnaanta, seeskana u dhigay qaran sal-balaaran oo ay u nasabsheegtaan dhamaan muwaadiniintoodo.

Qaranimadda ayaa ah middda beerta waddaniyadda iyo jacaylka ay umaddi ciideeda iyo calankeeda u hayso, meesha aysan qaranimo jirin dadku waxay u nasab sheegtaan wax ka hooseeya qaranka sida qoomiyad,qabiil ama gobol.

Waxaa la yiraahdaa dawlad-dhisidda waxaa saldhig u ah siyaasiyiinta laakiin qaran-dhisidda waxaa lafdhabar u ah bulshada rayidkaa sida Culuma’udiinka, Abwaaniinta, suugaanleyda, Indheer-garadka, iyo Odoyaasha dhaqanka maxaa yeelay qarannimadu amase wadaniyaddu waa wax qalbiga bani-aadamka ku abuurma waana muhiim in qalbigaas la saameeyo.

Soomaaliya qaran-dhisiddeeda waxay bilowday toban iyo todobo sana ka hor intii aysan xoriyadda qaadan, dhaqdhaqaaqii SYL ayuuna ahaa ciddii ugu horaysey ee aasaaska u dhiqtay qaran-dhisidda soomaalida, iyaga ka horna maanay jirin cid u nasab sheegan jirtey magaca soomaali dadku waxa ay u nasab sheegan jireen reerahooda, magaalooyinkooda ama dariiqooyinkoodii diiniga ahaa, taas ayaa waxaa lagu badalay soomali wayn, axyaa wadani, Maandeeq oo loo bixiyey gobanimadeena iyo soomaaliya ha noolaato hana israac oo halkudhag looga dhigay qarannimadeena.

Abwaanka iyo suugaanleyda soomaaliyeed ayay ahaayeen cidda fikirkaan ka gadaysey umadda soomaaliyeed qalbigoodana wadaniyadda ku beertay, Hadraawina waa tii uu lahaa isagoo arintaas tilmaamaya “Xamar iyo Hargaysaba gudin iyo hangool iyo heelaa xoraysee, wallee hoobalkoon jirin libin sooma hoyateen” nasiib daro qaran-jabkeenu waxa uu bilowday ka hor intii aysan dawladnimadu inaga burburin maxaa yeelay dalku wuxuu mar horaba u kala furfurtay jamha
do jifiyo ku dhisan iyo qabaa’il is gaashaan buursi ku dhisan, waxaana meesha ka baxay qaranimadii iyo magacii waynaa ee ina kulminayey.

Wixii ka dambeeyey burburkiina waxa aynu dib ugu noqonay meeshii aynu joognay qarni ka hor oo ahayd u nasab sheegashadii qabaa’isha iyo reeraraha. Inta aynu sidaan nahayna waa adagtay inaynu dawlad-dhisid ku guulaysano maxaa yeelay Qaran-dhisidda ayaa asal u’ah Dawladnimada.

DAWLAD-DHISID

Dawlad waa nidaam siyaasiya oo ay bulsho ka yagleesho buqcad mucayana si ay u xaqiijiso himilooyinkeeda aasaasigaa.

Inkasta oo siyaabo kala gadisan iskuna dhaw loo qeexo dawladnimadda hadana qeexista ugu wanaagsan waxaa leh ayay yiraahdaan Max Weber oo ahaa xeel-dheere iyo bulsho yaqaan Jarmal wuxuuna yiri ” dawladi, waa cidda keliya ee leh awoodda baas-abuur ee sharcigaa ee kaligeed ka fusha buqcad mucayana” taas oo micnaheedu yahay waa cidda keliya ee si sharciya wax u dili karta, u xiri karta ula wareegi karta, una cafiyi karta.

Haddii awoodahaan ay cid kale fuliso amaba ay cid kale dawladda la wadaagto si fudud meeshaas dawladi kama jirto qeexida Max weber.

Dawlad waxa ay ku timaadaa labo nooc midkood uun, sifo xooga ama heshiis bulsho, sikasta oo ay ku timaadaba ujeedada laga leeyahay waxaa weeye inay xaqiijiso himilooyinka aasaasigaa ee aanay bulsho kaligeed xaqiijin karin dawlad la’aan sida amaanka, caafimaadka, ilaalinta deegaanka, waxbarashada, caddaaladda iyo wixii lamida.

Haddaba su’aasha xiisaha lihi waxaa weeye dawladaha inoo dhisani ha ahaadeen maamulo ama fadaraale ma leeyihiin sifadii dawladnimada? Haddii aysan lahaynse ma fulin karaan himilooyinkii aasaasiga ahaa? Awoodda baas-abuurka (physical force or violence) ma iyagaa leh mise cid kalaa la maamusha? Haddii aynu fahano jawaabtu inay tahay maya, way adagtahay inaynu qof ama labo hoggaana ku eedayno wax qabad xumo iyo inuusan meeshii laga rabey reerka urarin.

Dawladi si ay u fuliso himilooyinka aasaasigaa waa in ay ka koobnaataa hay’ado dawliya oo u heelan kana turjumaya micnaha ay u jirto.

HAY’ADAHA DAWLIGAA.

Si looga guul gaaro himilooyinka aasaasigaa ee ay dawladi u jirto sida amaanka,caddaaladda, caafimaadka iyo waxbarashada waa in ay dawladu ka koobnaataa hay’ado ama laamo dawliya oo is dheeli tiraya una heelan ka guul gaarista hadafka iyo yoolka la hiigsanayo.

Hay’adaha dawligaa ama institutionsku waxay hay’ad noqon karaan markii laga helo afrtaan tilmaamood sida uu qabo Samuel Hantington oo ahaa caalim ku xeel dheeraa siyaasadda iyo dhismaha dawligaaba.

1- waa inay yihiin kuwo daa’ima ee aysan ahayn kuwo cimri gaaban ama ciddii dhistaba aan ka dambayn.

2- waa in qaab dhismoodkoodu yahay mid cajiiba oo sal-ballaran ee uusan ahay mid fudud oo aan miisaan lahayn, tusaale ahaan waa inay ka kooban yihiin qaybo, hoggaamo, talisyo iyo laamo hawl iyo hadaf ka dhaxeeyo

3-waa inay kala madax banaanyihiin cid walibana ay hawsheeda u wadataa qaab ay iyadu masuuliyadeeda leedahay xumaan iyo samaanba.

4- waa inay yihiin kuwo isku hadaf fulinaya kana turjumaya himilooyinka guud ee la hiigsanayo ee aysan ahayn kuwo iska soo horjeeda oo is raad guraya.

Meelaha aysan hay’adahoodu noocaan u qaabaysnayn inta badan waxaa ka dhisan dawlado daciifa oo aan xaqiijin karanin himilooyinkii loo unkay, meelaha aanay dawladi ka jirinna amase dawladnimada lagu fashilay way adagtahay in hay’ado noocaanihi ka hirgalaan.

Dalkeenuna waxa uu kamid yahay meelaha aanay dawladi jirin sidaynu horayba u qeexnay, marka mar labaad ayaynu si fudud u oran karaa mishkiladda ina haysaayi hoggaan la’aan ka wayn.

GUNAAANAD

Qormadaan nuxurkeedu maahan in hoggaanka soomaaliyeed uu yahay mid duruufta iyo xilligu ka hiiliyeen ee aan isagu dhaliil lahayn, maahan taas nuxurka uu xanbaarsanyahay qoraalkani, ee waa iftiimin iyo bayaamin ku saabsan in mushkiladda ina haysaayi ka gudawayntahay caadifad jacayl ama nacayb oo qof gooniya loo hayo ama khudbooyin dareen wadaniyadeed leh oo shacabka loo jeediyo ama ciidamo mushaar la siiyo amase bulshada caalamka oo la tuso inaynu nahay dal xora oo karaamadiisa leh.

Taas baddalkeed dhibteenu waa qaran la’aan, dawlad l’aan, sharci, la’aan iyo hay’ado la’aan.

Dhismaha qaran iyo dawlad-dhisiddu maahan wax ku yimaada fudayd iyo muddo kooban toona dawwladaha maanta ay u dhisan yijiin qaramada ugu fiicaninna dawlad-dhisidu waxay ku qaadatay qarniyaal illaa ay ka soo gaareen heerka ay maanta joogaan.

Yurub oo lasheego inay tahay meeshii ugu haraysay ee uu ka hirgalay nidaamka modern stateka layiraahdo oo ah dawladaha casrigaa ee maanta caalamka ka jira waxay u soo martay dawlad dhisideedaas jid aad u dheer ayna ku xeer naayeen daruufo qalafsan iyo qalalaase joogtaa.

Waxaana isu soo badalay marxalado qalafsan oo mid waliba xilligeedii soo qaadatay sida boqortooyooyin, imbaradoorado, kacaano, kaligood-taliyayaal, xuruub ahliya, kuwo goboleed, kuwo qaaradeed, kuwo caalamiya iyo iyo ugu dambayn dimuquraadiyadda oo ah nidaamka ay iminka ku dhaqamaan.

Inkasta oo aynu ku jirno dhabihii dib u dhalashada aynuna ka fiicanahay meeshii aynu joognay toban sano ka hor haddana faanoole fari kama qodna maxaanyeelay waxaa la yiraahdaa dal burburay inuu ku soo
noqdo meeshii uu joogay xilligii uu burburay waxay qaadataa konton sano.

Cid walba oo aaminsan magaca iyo qalfoofka dawladnimo oo aan leenahay iyo qaab xulashada hogaankeena dimuquraadiyadda ku dhisan ee heer gobol ilaa fadaraal inaynu dawalad siyaado leh ku noqonayno, waa cid uun maalin cad riyoonaysa.

Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi

You must be logged in to post a comment Login