|

TACSI : – Allaah ha u naxariiste Marxuum Sheekh Cabdiqadir Cali Axmed oo maanta ku geeriyooday Magaalada Copenhagen, Beri Salaada duhur ka dibna lagu aasi doono

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN

Waxaa maanta oo ah Isniin 02.10.2017 ku geeriyooday magaalada Copenhagen ee Dalka Denmark Allaah ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdiqaadir Cali Axmed.

Marxuum Sheekh Cabdulqadir Axmed Cali ayaa ka mid Ahaa Ducaada iyo culumada magaalada Copenhagen, isagoo Allaah kheyr ha ka siiyee Wakhti iyo Juhudi badan ku bixiyey samafalka iyo u adeegida ummada Somaaliyeed iyo mida Islaamka ah ee ku dhaqan Magaalada Copenhagen.

Jaaliyada Somaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Copenhagen iyagoo ka tiiraneysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Sheekh Cabdiqaadir Cali Axmed waxay tacsi u dirayaan Xaaskii,Caruurtii,Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku in Allaah samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale waxaan marxuumka Allaah uga baryeynaa naxariis iyo dembi dhaaf.

OGEYSIIS :

Allaah ha u naxariistee waxaa Marxuum Sheekh Cabdiqadir Cali Axmed Beri Insha Allaah bacdal Salaada Duhur lagu aasi doono Qubuuraha Muslimiinta ee Brøndby -Copenhagen. Iyadoo Salaada Jinaasadana lagu tukan doono Salaada Duhur Masjidka Waqafka ee Copenhagen

Comments are closed