abaaraha
|

TACSI : – Allaah ha u naxariistee Dr.Xasan Cali Mire oo xalay ku geeriyoday magaalada Columbus ee Mareykanka

tacsi-3

dsc00263-1

INAA LILLAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN

Waxaa habeenkii xalay ee Taariikhdu aheyd 9.11.2016 ku geeriyooday magaalada Columbus ee cariga Mareykanka Allaah ha u naxariistee Dr.Xasan Cali Mire.

Allaah ha u naxariistee Dr.Xasan Cali Mire oo kow ka ahaa Aqoonyahandii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey ee waxbarasho saro Dalka u soo barta,ayaa waxa uu door weyn ku lahaa Siyaasada Somalia iyo sidoo kale horumarinta iyo tayeynta Waxbarashada Ummada Soomaaliyeed iyo dhaqan gelinta iyo qorista Farta Soomaaliga, isagoo Allaah ha u naxariistee Dr.Xasan Cali Mire hore u soo noqday Wasiirka Waxbarashada.

Maamulka iyo Hawlwadeenada Warbaahinta Puntlandi waxay iyagoo ka tiiranyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Dr.Xasan Cali Mire Tacsi u dirayaan Qoyskii,Eheladii,Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaaliyeed,waxaana Ebbe uga baryeynaa Samir iyo Iimaan. Sidoo kale waxaanu marxuumka Allaah uga baryeynaa naxariis iyo dembi dhaaf.

20160817_113214

Comments are closed

bursaalax2 14872462_1518310131519260_484851098_n