|

TACSI : – Allaah ha u naxariistee Halgamaa Sanweyne Dahir Seed oo maanta ku geeriyooday magaalada Gothenberg – Sweden

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN

Allaah ha u naxariisee waxaa maanata oo ah isniin 10.04.2017 ku geeriyooday magaalada Gothenberg ee cariga Sweden Halgamaa Maxamuud Daahir Seed ( Sanweyne )

Allaah ha u naxariistee Halgamaa Sanweyne Daahir Seed ayaa ahaa nafti hure ku suntanaa,isla markaana baal dahab ah ku lahaa halgankii hubeysnaa ee shacbiga Somaaliyeed kala horyimaadeen taliskii kacaan ee Askartu ku afduubeen taladii iyo masiirkii shacbiga somaaliyeed.

Allaah ha u naxariistee Halgamaa Sanweyne Daahir Seed ayaa ahaa Halyeygii ama sarkaalkii hogaaminayey naftii hurayaashii la magacbaxay ” Awrayaal” ee Jabhadii Dimuqraadiga Badbaadinta Somaaliyeed ee SSDF, cutubyadii Ciidankii Awrayaal ayaa dhigay macarkadii ama diritii taariikhada gashay ee sannadkii 1978 ka dhacday inta u dhaxeya Dhudub iyo Galaadi siiba deegaanada Dameer joog iyo Bookh.

Macarkadaas oo ay isku haleeleen Cutubyo ka tirasan ciidanka SSDF oo gadiidkoodu ahaa Awr oo uu hogaaminaayey Halgamaa Sanweyne Daahir Seed, oo u bareeray in ay har cad dhamac iyo rasaas kala hortagaan gaasas ciidan oo qalbkoodu u dhanaa oo ka tirsanaa ciidankii dawaldii kacaanka.

Wacdarahii iyo geesinimadii ay muujiyeen Cutubyadii Awryaal ayaa noqtay shulcadii halgankii looga soo horjeeday nidaamkii kaligii taliska ahaa, iyadoo ay dhacdaadsi ay ka curtay sugaan iyo gabyo badan oo ay ka tiriyeen hal abuuro badan oo somaaliyeed oo ay ka mid ahayeen Khaliif Sheekh Maxamuud,Maxamed Xaashi Dhamac ( Gaariye) iyo Abwaan Hadraawi.

Bahda warbaahinta Puntlandi waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan qoyskii,qaraabadii,asxaabtii iyo shacbiga Somaaliyeed ee uu ka baxay Allaah ha u naxariistee Halgmaa Sanweyne Daahir Seed,waxaana Eebe uga baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale waxaan Marxuumka Allaah uga baryeynaa naxariis iyo dembi dhaaf

You must be logged in to post a comment Login