|

TACSI : – Allaah ha u naxariistee Marxuumad Fadumo Ciise Wadaad oo ku geeriyootay Magaalada Garoowe

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Allaah ha u naxariistee waxaa maalintii shalay ku geeriyootay magaalada Garoowe, isla shaleyna lagu aasay Garoowe marxuumad Faadumo Ciise Wadaad.

Geeridaa naxdinta leh awgeed, waxaa halkan tacsi tiiraanyo xanbaarsan looga dirayaa dhamaan qoyska reer Maxamed Cusmaan ( Gacmey Gool-nuug) geeridaa ku timid hooyadood Marxumad Faadumo Ciise Wadaad.

Waxaa sidoo kale tacsi taa la mid ah loo dirayaa dhamaan qoyska reer Ciise Wadaad, Ehelkii iyo Asaxaabti marxuumadu ka baxday, waxaana Allaah looga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, Marxuumadana Alle dambi dhaaf iyo naxariis ugu deeqo.

Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabakada Puntlandi waxay tacsi gaar ah u dirayaan walaal Mustafe Gacmey iyo dhamaan qoyska reer Gacmey Gool-nuug , geeridaa naxadinta leh ee ku timid Hooyadiis Marxuumad Faadumo Ciise Wadaad

You must be logged in to post a comment Login