|

TACSI : – Allaah ha u naxariistee Marxuumad Seynab Xaaji Cabdullaahi Cali-Deri oo ku geeriyootay magaalada Burtinle


INAA LILAAHI WA INA ILEYHI RAAJUCUUN.

Allaah ha u naxariistee Marxuumad Hooyo Seynab Xaaji Cabdullaahi Cali-Deri ayaa maalintii Arbacadii ee taariikhdu aheyd 23.08.2017 ku geeriyootay,laguna aasay magaalada Burinle ee gobolka Nugaal ee Puntland.

Geeridaa naxdinta leh ee ku timid Hooyo Seynab awgeed waxaa halkan tacsi tiiraanyo xambaarsan looga dirayaa dhamaan Awladii ay dhashay marxuumadu ee reer Khaliif Xirsi Dhamac iyo dhamaan Qoyska reer Xaaji Cabdullaahi Cali-Deri, Ehelkii iyo Asxaabtii marxuumada, waxaanuna Allaah uga baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumadana Ebbe Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabakada Puntlandi waxay iyagoo tiiraanyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Hooyo Seynab ay tacsi gaar ah u dirayan walaal Cabdirisaaq Khaliif Xirsi Dhamac ( Cabdirisaaq Biine) Anaggoo Allaah uga baryeyna in Hooyo samir iyo iimaan ka siiyo, Marxuumadana Alle naxariis iyo dembi dhaaf ugu deeqo

You must be logged in to post a comment Login