abaaraha
|

TACSI : – Allaah ha u naxariistee Safiir Cabdinuur Macalin Sugulle oo saaka ku geeriyooday magaalada Copenhagen -Danmark

tacsi-3

INAA LILAAHI WA INAA ILLEYHI RAAJUCUUN.

Allaah ha u naxariistee waxaa saaka oo ah Arbaca 9.11.201y ku geeriyooday magaalada Copenhagen ee cariga Danmark Safiirkii hore ee Safaarada Somaaliyeed ee dalka Kuwait marxuum Cabdinuur Macalin Sugulle.

Allaah ha u naxariistee Safiir Cabdinuur oo mudooyinkii dambe u jiifay xanuunka uu u geeriyooday ayaa ahaa ruug cadaa siyaasadeed oo mudo dheer ku soo dhexjiray hawlaha dibloomasiyada Soomaaliyeed,isagoo xilal Safiirnimo ugu matalaayey Soomaaliya dawlado badan oo ka mid aha dunida Carabta.

Jaaliyada Somaaliyeed ee Danmark waxay Tacsi tiiranyo leh u dirayaan Qoyskii,Eheladii iyo Asxaabtii uu marxuumku ka baxay,iyagoo Eebe uga baryaaya inuu samir iyo iimaan ka siiyo.Sidoo kalena waxay marxuumka Allaah uga baryayaan naxariis iyo dembi dhaaf

20160817_113214

Comments are closed

bursaalax2 14872462_1518310131519260_484851098_n