|

TACSI : – Allaah ha u naxriistee Marxuum Xasan Maxamuud Siciid oo ku geeriyooday magaalada Copenhagen ee cariga Denmark

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN.

Waxaa Allaah ha u naxariistee maliintii shalay ee 20.07.2017 ku geeriyooday magaalada Copenhagen ee dalka Denmark marxuum Xasan Maxamuud Siciid.

Geeridaa naxdinta leh ee ku timid marxuum Xasan waxay iyagoo ka tiiraaneyeysan dhamaan Jaaliyada Somaaliyeed ee Denmark tacsi u dirayaan Aabe Maxamuud Siciid ( Surka) iyo Hooyo Xaawo Cabdi Abshir oo ah laba qof oo waxtar iyo wanaag badan ku dhex leh guud ahaan Jaaliyada Somaaliyeed ee Denmark iyo siiba mida Copenhagen.

Sidoo kale waxaan tacsi taas la mid ah loo dirayaa Adeer Cabdi Abshir Aden iyo Eedo Mulaaxo Xaraare, dhamaan qoyska reer Siciid Cusmaan iyo dhamaan qoyska reer Cabdi Abshir, Ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku inuu Allaah samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale Maamulka iyo hawlwadeenada shabkada Puntlandi waxay tacsi taas la mid ah oo tiiranyo xanbaarsan u dirayaan Aabe Maxamuud Siciid (Surka) iyo Hooyo Xawo Cabdi Abshir,waxaana Allaah uga baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo Xasan, Marxuumkana waxaan Ilaahay uga bareynaa Jantul Fardowsal Culyaa

Comments are closed