abaaraha
|

Tacsi loo dirayo Qunsulka Guud ee Puntland ee Kenya Ambassador Maxamed Aden (Fagalade) oo Aabihiisa maanta ku geeriyoday Berbera

tacsi-1

Allaaha u naxariistee waxaa maanta oo ah Axada 23.10.2016 ku geeriyooday magaalada Berbera marxuum Aden Siciid Muse.

Geerida naxadinta leh awgeed ee ku timid marxuum Aden Siciid Muse waxaa Tacsi tiiraanyo loo dirayaa Qoyskii,Qaraabadii,Ehehelkii iyo Asxaabtii uu marxuumku ka baxay,waxaana Eebe uga baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Maamulka iyo hawlwadeenada warbaahinta madaxa banaan ee Puntlandi waxay Tacsi tiiranyo xambaarsan u dirayaan Qunsulka Guud ee Puntland u fadhiya Kenya Ambassador Maxamed Aden (Fagalade) geeridaa naxdinta leh ee ku timid Aabihiis Marxuum Aden Siciid Muse,waxaana Allaah uga baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuumkana waxaan Allaah uga baryeynaa Inuu u naxariisto, Jannadiisa Fardousana ka waraabiyo.

fb_img_1477222730711

Comments are closed

bursaalax2 14872462_1518310131519260_484851098_n