|

TACSI : – Marxuumad Faadumo Ciise Cabdi-Suuti oo maanta ku geeriyootay magaalada Gaalkacyo

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ku geeriyootay Allaah ha u naxariistee Marxuumad Faadumo Ciise Cabdi-Suuti.

Anagoo ka tiiraanyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid marxuumada Faadumo Ciise waxaa Tacsi tiiraanyo xanbaarsan loo dirayaa qoyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay marxuumadu oo ay ugu horeeyaan dhamaan qoyska reer Maxamed Xaashi ( Reer Geedi Baabow ), qoyska reer Jamac Xasan iyo sidoo kale qoyska reer Ciise Cabdi-Suuti.

Waxaa halkan si wadajir ah Tacsi uga diraya :

1. Aabe Cabdullaahi xaashi Lugey iyo
Hooyo Aamino Cali Guure iyo dhamaan qoyska reer Cabdullaahi Xaashi lugay

2. Muxiyadiin Cabdi Kawis iyo dhamaan qoyska reer Cabdi kawis

Sidoo kale maamulka iyo hawlwadeenada Shabakada Caalamiga ah ee Puntlandi waxay Tacsi gaar ah u dirayaan Cabdikaafi Maxamed Xaashi ( Geedi Baabow ) geeridaa ku timid hooyadiis Marxuumad Faadumo Ciise Cabdi, waxaanu Allaah uga baryeynaa marxuumad dembi dhaaf iyo naxariis.Ehelkii iyo Qaraabadii ay ka baxdeyna waxaanu Eebe uga baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo

Comments are closed