abaaraha
|

Tacsi : – Ugaas Maxamuud Ugaas Xuseen Ugaas Baqow Ugaaska guud ee Jubbaland ( Waamo) oo dhawaan ku geeriyooday Kismaayo

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAJUCUUN.

Waxaa dhawaan ku geeriyooday,laguna aasay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland Allaah ha u naxariistee Ugaas Maxamuud Ugaas Xuseen Baqow oo ahaa Ugaaska guud ee degaanada Waamo ee Jubbaland.

Ugaaska ayaa dhawaan dalka ku soo noqday isagoo in mudo ah hawlo caafimaad ugu maqnaa magaalada Boston ee cariga Mareykanka.

Ugaas Maxamuud Ugaas Xuseen Ugaas Baqo ayaa ka soo jeeda Saldano Somaaliyeed oo magac iyo maamuus weyn ku dhex laheyd shacbiga somaaliyeed iyo gaar ah midka Waamo.

Maamulka iyo hawlwadeenada warbaahinta madaxbabaan ee Puntlandi waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii,qaraabadii iyo dhamaan shacbiga somaaliyeed iyo midka Waamo ee uu ka baxay Ugaas Maxamuud Ugaas Xuseen Ugaas Baqow.
Sidoo kale waxaanu marxuumka Allaah uga baryeynaa naxariis iyo debi dhaaf

You must be logged in to post a comment Login