abaaraha
|

TACSI : – Maxamuud Yusuf Aw Nuur ( Xagaafe ) oo xalay ku geeriyoday Dalka Beljuim

tacsi-2

INAA LILAAHU WA INAA ILAAYIHI RAAJUCUUN.

Allaah ha u naxariistee waxaa habeenkii xalay ee 6.11.2016 ku geeriyooday Isbital ku yaal dalka Beljuim Maxamuud Yusuf Aw Nuur oo ku magac dheeraa Xagaafe.

Allaah ha u naxariistee Xagaafe oo ahaa ruug cadaa siyaasadeed kana mid ahaa wakhtigan xaadirka ahaa xubnaha Barlamaanka Dawlada Federaalka Somaaliyeed oo laga soo doorto Gobolka Jubbada Hoose,isagoo sidoo kale hore u ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Barlamaankii Dawaldii Rayidka aheyd ee Kacaanka ka horeysay

Maamulka iyo Hawlwadeenada warbaahinta Puntlandi waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii,Eheladii iyo Asxaabtii uu marxuunku ka baxay,iyagoo Ebbe uga baryaaya inuu samir iyo iimaan ka siiyo, sidoo kalena waxaan Allaah marxuumka uga baryeynaa naxariis iyo dembi dhaaf

20160817_113214

Comments are closed