|

Taliyaha ciidanka badda Puntland oo beeniyay in askari ciidankooda kamid ah uu dhibaato u geystay qof shacab ah.

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiraal Cabdirsaaq Diiriye Faarax Ayaa Beeniyay in Askari ka Tirsan Ciidanka Badda ee Puntland uu Ka danbeeyay Fal lagu dhaawacay Gabar Dhalinyaro ah 27-kii Bishii Hore ee Actobar.

Diiriye ayaa sheegay in falkaas uu u arko fal aad u foox xun, isla markaana uusan qiil u samaynayn, balse Askariga falka geystay uusan ka tirsanayn ciidanka Badda Puntland.

”Waan maqlay in gabadha waalidkeed dheheen ciidanka Badda Puntland ayaa Kufsaday oo xabad ku dhuftay, ma aha cida falka geysatay askari ka tirsan ciidanka Badda Puntland sida Websaydyada qaarkood lagu soo qoray, waa wax aad u xun oo aan qiil u samaynayn in gabar Soomaaliyeed sidaa loo galo, laakiin in Ciidan sharaf leh oo ana leeyahay inay ciidanka Soomaaliya ugu akhlaaqda wannaagsan in lagu tilmaamo arrintaas ayaan u arkaa mid fool xun” Ayuu yiri Taliyaha ciidanka badda Puntland.

Admiraal Cabdi Risaaq Diiriye Faarax, ayaa sheegay inuu rajaynayo in Askmariga falkan geystay la horkeeni doono Cadaalada, lana soo qaban doono.

”Cida dambiga gashay waa le helayaa lama waayo karo, waan ku guulaysan doona waana laso qaban doona, maalin uun ayaana sharciga la horgeyn doona, askarigaasi waligiis Ciidanka badda Puntland kama hawl gelin, mana naqaan, intuu galyna lagama ruqsayn, intuu galayna hadda kama mid ahayn” Ayu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata.

Mar la waydiiyay sababta lo tuhmay ciidanka badda Puntland, ayaa wuxuu ku jawaabay….”Kolay waxaan isleeyahay waxa jira dareyska annagu aan qaadano in mararka qaar lagu arki karayo qof ama ciidan ha ahaado ama qof kale, waxaa laga yaaba in la yiraahdo waa ciidanka badda Puntland, laakiin magaca halkaa lagu soo qoray ma ahayn ciidanka badda Puntland’.

Dhowaan ayay ahayd markii askari ka tirsanaa ciidanka Puntland uu isku dayay inuu kufsado gabar aad u da’yar, hasa yeeshe markii ay iska difaacday ayuu dhaawac culus u geystay, waxaana hadda lagu daweynayaa Cisbitaalka Digfeer ee magaaalada Muqdisho.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login