|

Taliyaha ciidanka difaaca Puntland oo bogaadiyay howlgallada lagula dagaalamyo argigixisada ee ka socda gobolka Bari.

Taliyaha ciidamada difaaca Puntland General Siciid Dheere ayaa bogaadin iyo hambalyo udiray saraakiisha iyo ciidamada difaaca Puntland ee ku jira howlgallada kooxaha argigixisada looga xoraynayo gobolka Bari.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Difaaca Puntland oo maalmahan hawlgallo ka waday deegaano hoos yimaada degmada Qandala hawlgalkaas oo ahaa mid looga saarayey burcad diimeedka Daacish oo dhib badan ku hayey shacabka reer Puntland ee degan deegankaas.

Waxaa la gaarsiyey khasaare looga gubay dhamaan wixii ay haysteen oo raashin ahaa oo ku jiray godod, waxaana looga qabtay agabka laga sameeyo qaraxyada oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka reer Puntland. haddana waxay ciidanku ku daba jiraan firxadkii cadowga.

Dhulka cadowga burcad diimeedka ISIS DAACISH laga xoreeyey waxaaa kamid ah, Degaaanka Xijiijle, Tuurmajaale, Afdharimeed, haraaryo, Qurac, Daray madow, Af-dudumo, Sheebaab, Dufaan, Dhaadaar & Buqo. kuwaas oo hoos taga degmada Qandala.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login