|

Taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya oo ka badbaaday weerar ismiidaamin oo lagu qaarajin rabay.

Taliyaha cusub ee ciidanka milatariga Soomaaliya Gen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa maanta ka badbaaday weerar ismiidaamin ah oo la doonayay in lagu qaarajiyo.

Weerarkaan ayaa lala barilmaameesaday xilli taliyaha iyo kolonyo ciidankiisa ah oo kasoo baxay xarunta wasaaradda gaashaandhiga, halkaas oo ay xilka kula wareegayeen isaga iyo abaanduulaha cusub ee ciidanka milatariga Soomaaliya.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in qaar kamid ah ilaalada taliyaha ay ku dhinteen weerarkaan, iyadoo uu sidoo kale burbur xoogan soo gaaray gaariga uu la socday taliyaha oo ahaa nuuca aan xabbadu karin ee loo yaqaano bullet proof car.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay twitterka ay ku leedahay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay inuu taliyuhu bad qabo.

Alshabab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarkaan.

Puntlandi.com 

 

 

 

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login