|

Taliyaha Ciidanka Somalia Gen.Maxamed Aden Laangare ayaa sheegay in la ciqaabi doono masuuliyintii hubka kala baxay Madaxtooyada Villa Somalia

Taliyaha

Taliyaha Ciidamada Somaaliya Jeneral Maxamed Aden Laangare ayaa xaqiijiyey warar ay hore u baahiyeen warbaahinta Somaaliyeed oo sheegayey in masuuliyiin iyo saraakiil sare oo ka tirsan maamulkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay jabsadeen keydkii dhexe bakhaarada hubka iyo gaadiidka ee xarunta Madaxtooyada Villa Somaaliya,isla markaana ay si sharci daro ah ugala baxeen gadiid iyo shixnado hub ah oo uu lahaa Qaranka Somaaliyeed.

Jeneral Maxamed Aden Laangare ayaa barta uu ku leeyahay madasha xiriirka bulshada ee Twitterka soo dhigay qoraal kooban oo uu ku balanqaadayo in sharciga la horgeyn doono masuuliyiintii ka masuulka aheyd xatooyadaa iyo biliqadaa foosha xun ee ka dhacday xarunta dalka looga taliyo ee Madaxtooyada Villa Somaliya.

Halkan ka daalaco qoraalka Twitterka General Laangare

20170218_104607

Comments are closed