|

Taliye xigeenka Booliska Puntland & Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo booqday Saldhiga Miir ee Xaafada Horumar ee Magaalada Gaalkacyo (Sawiro).

Gaalkacyo (Pi):- Taliye xigeenka ciidamada Booliska Puntland Korneyl Muxiyadiin Axmed Muuse iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa kormeer ku tagay saldhiga Miir ee xaafada Horumar ee magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha iyo Gudoomiyaha ayaa qiimeyn ku soo sameeyay saldhiga sida uu u shaqeynayo iyo ciidamada jooga waxayna sidoo kale xog wareysi dheer la yeesheen maxaabiistii saldhigaasi ku xirneyd ee loo soo qab qabtay falalka la xiriira amaan darrada.

Taliye xigeenka ciidamada Booliska Puntland Korneyl Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa u mahad celiyay ciidamada saldhiga Miir, wuxuuna sidoo kale maxaabiista u sheegay in ciddii lagu waayo dambi la sii deyn doono, kii lagu helo dambina la geyn doono sharciga oo la marsiin doono waxa xukunkiisu noqdo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa sheegay in kormeerkooda Saldhiga Miir in uu qeyb ka yahay sugida iyo xaqiijinta amniga gobolka, wuxuuna intaa ku daray mahad celin balaaran oo uu u jeediyay dhammaan ciidamada amaanka gobolka Mudug ee ku hawlan xaqiijinta amniga.

Korneyl Muxiyadiin Axmed Muuse Taliye xigeenka Booliska Puntland

Maxaabiis ka mid ah kuwa ku xiran saldhiga Miir

Gudoomiye Tigey oo hadal ka jeedinaya gudaha saldhiga Miir ee magaalada Gaalkacyo

Comments are closed