|

Tartanka Qur’aanka heer Puntland oo goor dhow lagusoo gabagabeynayo Garowe iyo madaxweyne Gaas oo soo xiraya.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo xiraya tartanka Quraanka heer Puntland kaasoo ka socday Masaajidka Al-Huda ee magaalada Garoowe, tartankaas oo u dhexeeyey arday ka socotay 16 degmo oo katirsan Puntland.

Tartanka ayaa ahaa saddex qaybood oo isugu jira Soddonka Jus, Labaatan Jus iyo  Toban Jus iyadoo dhammaan ardaydaydii ka qayb gashay tartanka la-guddoondoono abaal marino kala duwan oo lagu dhiirri gelinayo kalaamka Eebbe.

Ardaygii ku guuleysta tartanka Soddonka Jus ee Qur’aanka Kariimka ah  ayaa waxaa Abaal-marindoonaa Gaadhi nooca raaxada ah, waxaana ardaygaasi Furaha Gaadhiga guddoonsiindoona  Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

 

Comments are closed