|

Tillerson: Argigixisadu waligeed kama guulaysandoonto Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa xustay 16 guuradii kasoo wareegtay weeraradii argigixiso ee lala beegsaday daarihii dhaadheeraa ee Newyork, weerataas oo ay ku dhinteen kumanaan qof ah hal maalin gudaheed.

“Maanta waxaan xasuusanaynaa dhibanayaashii weeraradii argigxiso ee september, 2011 iyo geesiyaashii sharafta badnaa ee badbaadiyay nolasha dad badan maalintaas, weliba iyagoo u huray naftooda.

 

Maanta waxaan xasuusineynaa dunida in argagixisadu aysan waligeed ku guulaysan doonin Mareykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale xustay dhacdadii Penghasi, kadib markii afar Amerikaan ah oo labo kamid ah ahaayeen shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibada lagu dilay weerarkii argigixiso ee Benghasi, Libya, waxayna intaas ku dartay in geeriyooda ay tahay mid ku weyn qalbiyada dadka Maraykanka.

 

Qalbiyadeenu waxay uduceeyaan kuwa nolashooda ku waayay ficilada argigixisada. Waxaan sii wadeynaa inaan joojino xagjiriinta,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Maraykanka.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login