|

Turkiga oo Soomaaliya ka jaray lacagihii lagu kabi-jiray miisaaniyadda

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in muddo saddex bilood ah aanay helin lacagtii Turkigu uu ku taageeri jiray kabidda miisaaniyadda dalka.

wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hadalkaasi ka sheegay su’aalo lagu weydiyey Baarlamanka,wuxuuna  tilmamaay in haatan aan lacagtaasi ku jirin miisaaniyadda Dowladda.

“Saddex bilood ma bixin Turkiga lacagtii laga sugayay, waxay dhaheen labo milyan iyo bar ayaa bixineynaa, walina nama soo gaarin”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dowldda Turkiga ayaa hore u sheegtay in ay Soomaaliya ka taageerayso dhinaca miisaaniyadda,islamarkaana bilkasta ay bixin doonto $2malyan oo Dollar,balse ma cadda haatan sababta Turkigu lacagtaasi u jartay.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login