abaaraha
|

Tusbax Go’ay : – Dawlada Ingiriiska oo iyana sheegtay in ay ciqaabi doonto Mawaadinteeda ku lug yeesha musuqmaasuqa doorashada Somalia

War ka soo baxay caawa Safaarada dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in sharciga dalka Ingriiska lagu ciqaabi doono muwaadiniinta haysta dhalashada dalkaasi ee ku lug yeesha musuqmaasuqa baahsan ee hadheeyey doorashooyinka fashilmay ee Somalia.

Safiirka dalka Ingiriiska wakiilka uga aha Somalia waa gabadha lagu magacaabo Harriet Mathews ayaa barta ay ku leedahay Twitterka soo dhigtay digniin culus oo ka dhan ah mawaadintiita Ingriiska ah ee asalkoodu ka soo jeeda Soomaaliya ee musuqmaasuqa iyo qaska ka dhex wada doorashooyinka dalka Somaaliya.

Digniinta dawlada Ingiriiska ayaa daba socta mawjado digniino iyo canbaareyn ah oo u muuqda Tusbax go’ay iyo rajo la’aan ah oo ka soo burqanaaya Beesha Caalamka iyo dawladaha daneeya Somalia kuwaas oo looga soo horjeedo musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta baahsan ee Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisu ku majaro habaabiyeen doorashooyinkii loogu talo galay in ay dalka ka dhacaan

Digniinta Ingiriiska

20161228_222550

Digniinta Mareykanka

20161228_222524

Comments are closed

aet