abaaraha
|

Tusbax Go’ay : – Wariye Ka Tirsan Tv-ga Dawlada ee Muqdisho (SNTV) oo Damul-jadiid Xildhibaan ka dhigtay

muna-cumar-xassanGabar lagu magacaabo Muna Cumar Xassan oo ka shaqaynaysay Telefishanka Muqdisho ( SNTV), ayaa ku guulaysatay xubin Aqalka Sare ah, lka dib marki ay gashay Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliland oo maanta ka bilaabatay Muqdisho.

Gabadhan ka shaqaynaysay Telefishanka Muqdisho ayaa la sheegay inuu meesha keenay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo muddooyinkii ugu dambeeyay Xildhibaano ka dhigayay gacanyaryaashiisa, shaqaalaha Madaxtooyada, Askar iyo dad qaraabo dhow la ah.

Musuqmaasuqa hareeyay Doorashada ayaa meel xun gaaray, waxaana Muqdisho la socda kala iibsiga kuraasta, iyadoo lacagaha la bixinayo aysan xad lahayn.

Maanta Doorashada dhacday ayaa waxaa lagu doortay qaar ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Soomaaliland, waxaana inta dhiman la dhamaystirayaa maalinta bari haddu EEBE idmo.

Si kastaba ha ahate, Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya ayaa waxaa hareeyay Musuqmaasuq baahsan, kaasi oo lagu tilmaamay mid noociisa aan horay uso marin Soomaaliya.

www.puntlandi.com.

Comments are closed