|

Ururka Siyaasadeed Midnimo oo looga dhawaaqey Bosaaso”Sawirro”

Magaalada Bosaaso xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta 11 December ,2012 waxa looga dhawaaqey Urur cusub oo ku soo biirey saaxada siyaasada Puntland kaasi oo lagu magacaabo Midnimo. Xisbiga Midnimo ayaa ku soo biiray Xisbiyo siyaasadeed horay loogu dhawaaqay maalmo ka hor. Ilaa hadda waxaa lagu dhawaaqay Xisbiga Horseed oo ah midka dowlada Puntland , Xisbiga Horcad, Xisbiga UGUB iyo Xisbiga Midnimo.
Masuuliyiin ,waxgarad ,aqoonyahano ,siyaasiyiin ,Culimo ,qurba-joog ,dhalinyaro iyo marti sharaf kale ayaa ka soo qaybgalay xaflada furitaanka oo ka dhacdey Hotel Jubba.
Ururka ayaa Guddoomiye KMG ah waxa ka ah Dr.Saadiq Eenow oo ah Dhakhtar ,taariikhyahan iyo qoraa Soomaaliyeed ,waxana uu ka jeediyey madasha khudbad uu kaga hadlay Uurkan ,ujeedooyinka loo asaasey iyo weliba inuu yahay mid ka ka duulaya mabaadii’da iyo qiyamka umadda,isla markaana ku shaqaynaya nidaamka Dastuuriga ah ee Puntland.
Qorshe Hawleedka u degsan Ururka Midnimo sidoo kale ka hadlay Dr.Eenow iyo weliba mudada halka sanno ee u dhiman Xukuumadda Dr.Farole.
‘’Wax hub ah inaan wax lagu xalin ayaan ku baaqeynaa ,nidaamkan dad wada dhashey ayaa dhistey ,ninkii qori maanta qaata oo wiil nooga dila waxaan la tiigsaneynaa maxkamad meel kasta uu dunida ka tago’’.ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Qaybaha kala duwan ee dadkii ka soo qaybgalay xafladan ayaa hadalo ka soo jeediyey madasha oo dhaman soo dhooweyey ururkan cusub ee ku soo biirey saaxada siyaasadeed ee Puntland.
Dadweynaha reer Puntland iyo siyaasiyiintooda ayaa noqdey kuwo u bisil nidaamka Xisbiyada badan oo looga gudbayo habkii wax ku qaybsiga qabiilka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed