abaaraha
|

(VIDEO) Wasiirka caafimaadka Puntland oo kormeeray xarumaha caafimaadka Burtinle.

Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland ayaa kormeer shaqo Ku Tagay Dagmadda Burtinle Waxa uu La Kulmay Masuliyinta Caafimaadka Heer Dagmo iyo Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada.
Dr Cabdi Naasir Cuuke ayaa Madaxda Qaybaha Caafimaadka ka Dhagaystay Waxa u Qaybsoomay iyo Baahiyaha jira ee ubaahan in Wax laga Qabto.

Qaybaha Bulshada ayaa ku ammaanay Wasaarada Caafimaadka sida ay Adeega Caafimaad markasta Wasaarada ula Garab Taagan Tahay.

Wasiirka Caafimadka Puntland Dr Cabdi Naasir Cuuke ayaa uga Mahad Ceshay Shaqaalaha Caafimaadka sida Xilkasnimada Leh ee Bulshada ugu adeegeen, Waxa uuna Bulshada ugu Baaqay in la garab is Taago adeegayaasha Bulshada.

Shuban biyood dhawaan ka Dilaacay Deeganada Dagmada Burtinle ayaa Wasaarada Caafimaadku Xakameeysay Si ummadda halkaas ku Nool uusan u Wax Yeelayn. Dr Cuke ayaa sheegay in Sanadkaan 2017 Bisha May la dayactirayo isbitaalka Buurtinle.

You must be logged in to post a comment Login