|

Waa sidee xaalada caafimaad xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan?

Xidlhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan ayaa ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu kasoo baxay hotel uu degenaa oo kuyaala magaalada Gaalkacyo, waxaana qaraxa dhacay marka uu xildhibaanku gaariga gudaha u galay sida goob joogayaal ay sheegeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee warsidaha Puntlandi ka helayo xaaladiisa caafimaad ayaa waxay sheegayaan in xildhibaanka uu dhaawac xoogan kasoo gaaray qeybaha hoose ee jirkiisa, waxaana xaaladiisa caafimaad si aad ah ula tacalaaya saraakiisha caafimaadka ee gobolka Mudug.

Xidlhibaano katirsan barlamaanka Puntland oo caawo qoraalo soo dhigay barahooda bulshada ayaa sheegay in xaalada xildhibaanku haatan wanaagsan tahay, dhaqaatiirtu ay ku howlan yihiin sidii ay uga samatixin lahaayeen waxeelada xoogan ee soo gaaray xldhibaanka.

Puntlandi.com

 

 

 

Comments are closed