|

Waa sidee xaalada magaalada Garowe subaxnimadaan?

Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa weli shacabkeeda waxay la dhibaatoonayaan saamaynta ka dhalatay kala sooca lagu hayo lacagta shilinka Soomaaliga, taasoo gaartay xeerkii ugu xumaa abid, waxaana hoos u dhac weyn uu ku yimid heerkii nolasha ee dadka.

Go’aamadii ugu dambeeyay ee shalay kasoo baxay maamulka gobolka Nugaal iy kan degmada Garowe, kaasoo ahaa cidii shilin Soomaaliga kala soocda in loo diridoono xabsi lix bilood ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 20 milyuun oo shilin Soomaali ah.

Go’aamada soo baxay waxaa sidoo kale qeyb ka ah in sarifka dollar aan la dhaafin 27-kun oo shilin Soomaali ah halkii dollar. Hase yeeshee go’aamadaan ayaanan weli wax weyn ka badelin xaaladihii lagu  jiray, iyadoo magaaladuna ay ku waaberiisatay xaalad lamid ah sidii maalmihii hore, waxaana usii dheer inay albaabadu ulaaban yihiin xarumihii ganacsiga dadweynaha, kadib markii ay dhaqan gali waayeen go’aamadii dowladda kasoo baxay, inkastoo ay dowladdu haatan wado in awood sharci lagu dhaqan geliyo go’aamada wax looga qabanayo dhibaatada haatan ka taagan Garowe.

Saakay markii uu waagu baryay ma jirin wax gaadiid dadweyne oo shaqeynayay, waxayna dadka oo isugu jiray kuwa shaqo tag ah iyo arday safaf ugu jireen gaadiidka dadweynaha, iyagoo markii dambe ogaaday inay darawaliintu sameeyeen shaqo joojin ay kaga cabanayaan kala sooca lacagta.

Arrimaha kale ee saakay magaalada Garowe ka taagan waxaa kamid ah inay xiran yihiin suuqii weynaa ee Hilibka iyo Khudaarta, waxaana dadka maanta quudanayaan hilibka kalluunka.

Ciidanka dowladda oo wata gaadiidka shabaqlaha ayaa ku sugan weyn goobaha ganacsiga waxayna dadka ku amrayaan in la furo xarumaha ganacsig, cidii kasoo horjeesatana waxay mutaysanaysaa xarig, Sidoo kale waxay ciidanku si gaar ah isha ugu hayaan sariflayaasha oo saakay qaarkood bilaabay inay qaataan lacagtii horey loo diiday.

Sidoo kale, ciidamada ayaa si adag uga feejigan mudaharaad magaalada ka dhici kara.

Halkaan ka dhegayso codka Goodir.

      Xasan Goodir

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed