|

Wafdi ka socday wasaaraddaha caafimaadka Puntland iyo Soomaaliya oo shir uga qeyb galay dalka Pakistan.

Pakistan (Puntlandi.com) Wafti ka socda wasaaradda caafimaadka dawladda federalka oo uu hagaaminayo wasiiradda caafimaadka Fowsiyo Nuur  iyo wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Cuuke,  ayaa jooga dalka Pakistan halkaan oo ay kaga qaybgalayaan shirka caafimaadka wadamada iskugu taga EMRO.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa,
1. Isuduwidda dhaqaalaha, shirarka caafimaadka  (coordination)
2. Kordhinta awoodda shaqaalaha Wasaaraddaha,
3. Xaaladaha deg-degga ah
4. Isbitaallada (secondary care)
5. Takhsusaadka ( GP doctors trainig)
6. xirfado kooban, sida (section)
7.  Xoojinta ilaalinta  Cudurrada (surceillance).

Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland, Dr. Cabdinaasir Cuuke, ayaa sheegay in la isku  afgartay arrimaha laga wada hadlay in si dhakhso ah wax laga Qabto.

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay inuu la shiray madaxa hay’adda caafimaadka aduunka ee (WHO),  Dr Todros, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibada dalka Ethiopia iyo wasaaradda caafimaadka ee dalka Pakistaan.

SAWIRRADDA SHIRKA.

Puntlandi.com

Comments are closed