|

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas oo u safray magaalada Muqdisho.

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saakay u safray magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir.

Madaxweyne Gaas ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo maalinta berrito la filayo inuu ka furmo Muqdisho,

Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa la isku raacay in guluf colaadeed oo midaysan lagu qaado Argagixisada. Waxaa ballamay in 03/12/2017 laysugu yimaado kulan kale Magaalada Muqdisho.

Faahfaahin dheeri ah goor dhow la socda

Puntlandi.com

Garowe.

You must be logged in to post a comment Login