|

War Deg Deg Ah: fadeexad Cabdirashiid Xidig Maanta Kaga Dhacday Magaalada Kismaayo Ee Jubbaland

Dhalinyaro iyo dad kooban oo Xildhibaan Cabdirashiid Xidig soo abaabulay ayaa maanta isku dayay inay Kismaayo ku qabtaan Munaasabad ay Xidig ku doonayay inuu dadka kaga iibiyo in Jubbaland laga taageersan yahay.

Laakiin waxaa arrintaas ka hortagay dawlada Jubbaland oo Amar ku bixisay innaan Kismaayo iyo deegaanada Jubbaland lagu qaban karin Munaasabad uu Xidig leeyahay, waxaana la kala eryay Kooxihii uu Xidig soo abaabulay.

Wariyaasha ka hawlgala Jubbaland ayaa dawladu ay u sheegtay inaysan wax shaqo ah ku lahayn Xidig iyo ruwaayada uu ka wado Muqdisho, waxaana looga digay inay baahiyaan Warar aan ka tarjumayn rabitaanka dadka reer Jubbaland.

Xildhibaan Xidig waxaa laga soo doortaa Kismaayo, marka laga tago deegaanada kale wuxuunsan haysan taageerada reer Jubbaland iyo dhulka laga soo doorto.

Jubbaland ayaa jawaab cad ka raadinaysa dadkii doonayay inay qabtaan Munaasabada Xidig lagu taageerayay, waxaana digniin la duldhigay cid kasta oo isku dayda Barnaamij caynkan ah.

Xildhibaanada Puntland, Jubbaland, Waqooyi Galbeed iyo Xildhibaanada kale ee Soomaaliyeed ayuusan tabeero ka haysan Xidig, oo la saadaalinayo inuu marayo wadadii uu maray sanadkii 2012-kii.

Fadeexada Xidig maanta kaga dhacday magaalada Kismaayo ayaa muujinaysa sida uusan u haysan taageero iyo kalsooni uu ku tartami karo.

Hawlwadeenda Puntlandi ayaa ku hawlan inay Xog idin ka siiyaan Ol’olaha Muqdisho ka socda Akhriste Isha ku hay.

www.puntlandi.com.

Comments are closed