|

War Deg Deg ah iyo faahfaahin– Qarax lala beegsadey banaanka Hotel Al Jasiira oo madaxweynaha cusub deganaa, mid kamid ah ilaalada Dr gaas oo…

Xili uu Dabaqa ugu sareeya Hotel Jasiira uu ka socdey Shir ay joogaan Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Dr.Xasan Sheikh, Raysal wasarihii hore Dr. Gaas iyo wasiir Kenyan ah ayaa qarax ismiidaamis ah lala beegsadey Banaanka Hotelka, wax yar ka dib waxaa qarxay qarax kale oo gaari saaraa.

Inkastoo aan wali la shaacin khasaaraha halkaas ka dhashey waxaa nloo xaqiijiyey inuu qaraxa ku geeriyoodey mid kamid ah Ilaalada Raysal wasarihii hore Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, wiilka dhintey oo aan magaciisa la shaacin waxaa lagu sheegey Ina hebel Gurac. Wiilkaan ayaa u dhintey dhawac soo gaaray.

Raga isqarxiyey waxay dhamaayeen 4 qof.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com.

Comments are closed