|

War Deg Deg ah– Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo caawa u ho’ydey Villa Somalia

Muqdisho—-pi— Madaxweynaha Dowlada Feedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa loogalbiyey Villa Somaliya ka dib markii Amaankiisa lagu aamini waayey Hotelka uu daganaa oo maanta qarax ismiidaamis ah lala beegsadey.

Warar rasmi ah oo soo gaarey Pi ayaa lagu xaqiijiyey in uu Madaxweynuhu u hoydey caawa Villa Somaliya oo ah deegaanka iyo Xafiiska rasmiga ah ee Madaxweynaha F. Somaliya.

Madaxweynaha ayaa maanta laga kexeeyey Hotel Jasiira Plaza ka dib markii la isku dayey in la qarxiyo Hotelka xili uu ka socdey kulan uu Madaxweyne Xasan la lahaa Masuuliyiin ka Socdey Afrika, waxaana Madaxweynaha loo kexeeyey meel qarsoon oo aan la shaacin, waxaana Madaxweynaha iyo Raysal wasaarihii dr Gaas looga saarey Hotelka Baabuur gaashaaman.

Mudo saacado ah ayay qaadatey in madaxweynaha iyo Raysal wasaarihii hore la geeyo Villa Soomaaliya.

Warar hoose oo Puntlandi helaan ayaa sheegaya in Madaxweynaha la geeyey Garoonka diyaaradaha, ka dibna waxaa lasugayey inta loo diyaarinayey Meesha uu ka dagayo Villa Somalia maadaama uu wali degan yahay Madaxweynihii laga guuleystey Sheikh Shariif.

Caawa waxaa qaybta Villa Somaliya laga dejiyey Madaxweynaha cusub aad loo adkeeyey amaankeeda,iyadoo lageeyey Ciidan khaasa oo ka socda AMISOM, Axada ayuu madaxweynihii hore Sheikh Shariif uu ka guurayaa Villa Soomaaliya.

Puntlandi.com
Muqdisho-Somaliya

Comments are closed