|

War Deg Deg ah– Soomaaliya oo waydey codkii ay ku lahayd Golaha Qaramada Midoobey

Soomaaliya ayaa waydey codkii ay ku lahayd Golaha Qaramada Midoobey kadib markii ay bixin waydey khidmadii Xubinnimada Qaramada Midoobey.

Wararka Puntlandi helayaan ayaa waxay sheegayaan in Ilaa hada lagu leeyahay Soomaaliya lacag dhan Laba Milyan oo dollar 2 Milyan tasoo ah lacag isgaartay Mudo sanado ah.

Soomaaliya Xubin Way kasii ahaaneysaa Qaramada Midoobey laakiin laga bilaabo hada ma ay yeelaneyso xuquuq ay ku codeyso marka Golaha laga dhex codeynayo.

Qodobka 19aad ee Qaramada Midoobey ayaa qoraya in wadankii bixin waaya khidmada xubinimada uu waayayo Codkii uu ku lahaa Qaramada Midoobey.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin mudada aysan Soomaaliya aysan bixin lacagta Xubinimada hadana Wararka Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in aysan Soomaaliya bixin wax khidmad ah Mudo 3 Sano ah

Raysal Wasaare Kheyre ayaa iminka wuxuu ku sugan yahay New York waliba kama uusan hadlin Sababta keentey in Soomaaliya ay u bixin waydey khidmada.

LinKiskaan hoose ka EEG Sida Wadamada u baxshern khidmada
Puntlandi
New York
http://www.un.org/en/ga/contributions/honourroll.shtml

Comments are closed