|

War deg deg ah:Al-shabaab oo af-duubtay saraakiil Kenyan ah.

Koox aad u hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa ugu yaraan 6 ruux ka af-duubtay degaanka Miliho oo ka tirsan degmada Lamu ee gobolka Xeebta ah ee dalka Kenya.

Saraakiil gobolka ah ayaa sheegay in ay heleen xogta la xiriirta  dadka la af-duubtay,balse weli aanay xaqiijin Karin dadkaas waxay ahaayeen iyo halka loo ka xaystay,waxayna intaasi ku dareen in ay baaritaan ku samaynayaan dhacdadaan.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Kenya ayaa ku warrantay in dadka la af-duubtay oo tiradoodu gaarayso lix ruux ay ku jiraan saraakiil sare oo dowladda ah,balse ma jirto cid weli warkaasi xaqiijisay.

Weerarka ayaa ku soo beegmay,iyadoo madaxda gobolkaasi ay shir ka yeelanayeen arrimaha ammaanka iyo dhibaatada mintidiinta ka soo tallaabaya xadka Soomaaliya.

Dowladda ayaa siyaadisay weerarrada dhanka cirka ah ee ay ka fulinayso kaymaha ku yaalla xadka labada dalka,halkaasi oo ay sheegtay in ay ku beegsanayso koox ka tirsan al-shabaab oo ku dhuumaalaysanaya.

Gobolka ayaa bandow lagu soo rogay muddo saddex bilood ah,waxaan weli socda dhacdooyinka amni-darrada ah ee lagu beegsanayo dadka rayid ka ah iyo saraakiisha dowladda.

Puntlandi.com

Comments are closed