|

War deg deg ah:Cumar Faro-weyne oo sheegay in la soo qabtay nin gabar uurleh dilay.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal  Cumar Cabdulaahi Faro-weyne ayaa maanta sheegay in ciidanka ammaanka dowladda Puntland ay xalay magaalada Garoowe ku qabteen nin dhowaan  gabar uurleh magaalada ku dilay,oo la waayey,wuxuuna dad weynaha ka codsaday in ay ciidanka ammaanka kala shaqeeyaan soo qabashada dadka magaalada dhibaatada ka gaysta.

Guddoomiye faro-weyne wuxuu dhanka kale sheegay in ciidanku ay hawlgal joogta ah ka wadaan magaalada caasimadd ah ee Garoowe,islamarkaana hawlgalkaasi guulaysatay.

Halkaan ka dhegayso Cumar Faro-weyne

You must be logged in to post a comment Login