|

War deg deg ah:Kooxda Daacishta buuraha Qandala oo Dhibaato Ku Haya Reer Guuraaga Qandala

Kooxda argagixisada Daacish eee ku sugan degaannaada hoosyimaada degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa bilaabay in ay dadka reer guuraaga ah xoolaha ka dhacaan,waxaana la sheegay in haatan dadka reer guuraaga ah kala carar ku jiraan,sida uu Puntlandi u sheegay mid kamid ah dadka reer guuraaga ah eee degaankaasi oo magaciisa qariyey.

Ninkaan reer guuraaga ah ayaa k codsaday dolwadda Puntland in ay si deg deg ah uga soo gaaraan kooxdaan oo uu sheegay in ay sideed-sideed u wada socdaan,islamarkaana ay dadka dhibaato weynku hayaan.

Wuxuu sheegay in  haatan dadka degaannadaas ay kala carar bilaabeen,iyadoo ay kooxdu dadka reer guuraaga ah ugu hanjabayaan in ay dilayan xoolahoodana bililqaysanayaan.

Wixii ka soo kordha kala soco:puntlandi.com

Comments are closed