|

(Dhagayso) Barlamaanka Galmudug oo kalsoonidii kala noqday Cabdikariin Xuseen Guuleed

Baarlamaanka Galmudug ayaaKalsoonidii kala Laabtay Madaxweynaha Galmudug ee Cadaado C/kariin Xuseen Guuleed,waxaana Kulan ay Magaalada Cadaado ku yeesheen Qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug ay Xilka uga qaadeen Madaxweynne Guuleed.

54 Xildhibaan ayaa u Codeeyay in Madaxweyne Guuleed Kalsoonida lagala laabto islamarkaana uu meesha ka baxo kadib markii ay ku eedeeyeen inuu ku fashilmay hogaaminta maamulka Galmudug.

Ma jirto cid diiday iyo cid ka aamustay mooshinka xil ka qaadista ah.

Dhinaca kale, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la hadlay warbaahinada Muqdisho ayaa kasoo horjeestay mooshinkaan, isagoo sheegay inuusan aqbalidoonin.

Halkaanka dhageyso eedeymaha xilka looga qaaday madaxweynaha Galmudug.

Puntlandi.com

Comments are closed