|

Warsaxaafadeed:- Dowladda Puntland oo go’aano culus kasoo saartay kala sooca lagu hayo lacagaha shilinka Soomaaliga.

Garowe (Puntlandi.com) Dowladda Puntland ayaa go’aano culus kasoo saartay diidmada iyo kala sooca lagu hayo lacagta shilinka Soomaaliga, taasoo dhibaato weyn u geysatay shacabka Puntland.

Shir dhexmaray wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe ee dowladda, ayaa go’aanadii kasoo baxay waxaa kamid ahaa, cidii kahor timaada lacagta shilinka Soomaaliga in loo aqoonsan yahay qaran dumis.

Dowladda Puntland waxay sheegtay lacagta shilinka Soomaaliga ah inay ku qaado canshuurta kuna bixiso mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada qalabka sida, waxayna iska fogeysay inay jirto meel ay ku diiday lacag shilin Soomaali ah.

Dowladdu waxay shacabka ugu baaqday in laga doonayo inay lacagta shilinka Soomaaliga qaataan iyagoo aan kala gurin, sarif kala duwana aan loo sameyn karin.

Waxaa hay’adda ku shaqada leh arrintaan lagu faray inay gutaan waajibaadkooda.

Halkaan ka eeg warqada.

Comments are closed