|

Warsaxaafadeed:- Wasaaradda waxbarashada Puntland oo shaacisay inay dowladda federalku jabisay heshiiskii qeybsiga deeqaha waxbarashada Somalia.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa taariikhdu markau ahayd 06/11/2017 sagootisay 76 arday oo deeq waxbarasho ka helay Dalka Masar.

Waxay Wasaaraddu sheegatay inay deeqdaas ay ka faa’idaysteen dhammaan Dawlad-goboleedyada dalka ka jiraa, ayna tahay deeq Soomaali.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawladda Puntland, waxay caddaynaysaa inaysan jirin arday ka socota Dawladda Puntland oo ay Dawladda Federaalku ay deeqdaas ka qayb gelisay.

Waxaan xasuusinaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in heshiiskii ay labada Wasaaradood ku saxiixdeen Garowe 05/07/2017 uu dhigayay: in qaybinta deeqaha waxbarasho lagu saleeyo tirada ardayda gashay imtixaanka Dugsiga Sare ee sanad dugsiyeedkaas, iyo in deeqaha waxbarasho ee sida gaarka ah Puntland u hesho ay Wasaaradda Waxbarashada ee Dawladda Federaalku aqbasho kuna taageerto.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login