|

Wasaaradda cadaalada Puntand oo sheegtay in gacanta lagu dhigay askarigii gabadha ku dhaawacmay Bosaso.

Garowe (Puntlandi) Wasaaaradda cadaalada iyo arrimaha diinta ee dowladda Puntland, ayaa shaacisay in gacanta lagusoo dhigay askarigii dhaawaca ugeystay gabadh 17 jir ah, oo ku sugnayd magaalada Bosaso, xilli uu doonayay inuu tkufsi u geysto.

Agaasimaha guud  ee wasaaradda cadaalada Maxamed Cali Faarax ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in askarigaan lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, halkaasi oo uu u baxsaday kadib markii uu falkaan geystay.

“Ninkii gaystay isku dayga kufsiga kadibna gabadha xabada ku dhuftay waxaa lagu guulaystay in lagu qabto magaalada kismaayo, wasaaradda cadaalada Puntland oo kaashanaysa taliska madaxtooyada Puntland iyo sirdoonka Puntland iyo Jubaland laamahooda amniga ayaa ku guulaystay in danbiilaha gacanta lagu dhigo.” ayuu yidhi Maxamed Cali Faarax.

Wuxuu sheegay Maxamed Cali Faarax in danbiile inta uu danbi gaysto hadana isku daya inuu sharciga ka baxsado aysan dhicidoonin madaama Puntland sirdoonkeeda iyo laamaheeda amnigeeda iyo cadaaladu soo jeedaan har iyo habeen.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login