|

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo dhamaan u kala dirtay Goboladda iyo Degmooyinka Sanaadiiqdii imtixamadka puntland.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa dhamaan u kala dirtay Goboladda iyo Degmooyinka Sanaadiiqdii imtixamadka shahaadiag ah  Puntland, kaasoo bilaabanaya labaatanka bishaan May.

Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare, iyadoo ka ambaqaadaysa nabad gelyada, habsami u socodka iyo fududaynta maamulka imtixaanaadka waxay samaysay xarumo qaybin oo imtixaanka lagu sii qaybiyo, xarumahaas oo ku kala yaala Gaalkacyo, Garoowe, Qardho, iyo Boosaaso.

Waxaa xarumahaas ka hawl geli doono saraakiisha waaxda imtixaanaadka iyo kormeerayaal guud, kuwaas oo fududayn doona maamulka imtixaanka.

 

Puntlandi.com

Comments are closed