|

Wasiir Juxa.” Xilku waa meerto waana soo dhoweynayaa wasiirka cusub ee la igu badelay.

Wasiirkii arrimah gudaha iyo federalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa soo dhoweeyay xilka ka qaadista lagu sameeyay iyo wasiirka cusub ee lagu badelay.

Qoraal uu gor dhowayd soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu wasiir Juxa ku sheegay xilku inuu yahay islamarkaana wuxuu u mahad celiyay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare oo xilkaas ku aaminay markii hore.

Halkaan hoose ka akhriso warbixintiisa uu shacabka la wadaagay.

Waxaan saaka anigaa Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada Madaxweynaha ee Puntland, idaacadda ka ogaaday in Xilkii Wasiirnimo layga qaaday.
Xilku waa meerto waana loo siman yahay. Waxaan u mahadcelin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre oo igu sharfay inaan Xukuumaddooda ka mid noqdo.

Waxaan ku dadaalay intaan xilka hayay inaan qabto wixii karaankay ah.

Waxaan soo dhoweynayaa Wasiirka xilka igala wareegaya, waana ugu ducaynayaa in Ilaah Shaqada ku asturo.

Waxaan bogaadinayaa dhammaan intii ila soo shaqaysay, gaar ahaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Golihii Wasiirada aan ka midka ahaa, shaqaalaha Wasaaradda, Hay’adaha Caalamiga ah iyo dhammaan asxaabtii aan shaqada iyo Shaashadaha isku baranay.

Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay.
Raali gelin iyo Cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba.
Guul iyo Gobanimo dhammaan.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login