|

Wasiir Juxa oo amar diido iyo kacdoon ay kala horyimadeen kooxo Qabiil oo abaabulan iyo Raisal Wasaare Kheyre oo u khuuriyey


Wasiirka Arimaha Gudaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Cabdi Faarax Siciid (Juxaa)

Wararka ka soo baxaya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dawlada Federaalka Mudane Cabdi Faarax Juxa ay qabrigiisii biyo ugu galeen, isla markaana uu la rafanaayo duurfo qalafsan oo uu go’doon ku yahay gurigiisa.

Wasiir Juxaa ayaa waxaa amar diido iyo kacdoon qabiil oo abaabulan kala horymid masuuliyiinta sar sare Wasaarada Arimaha gudaha, oo ay horboodayaan Wasiirul dawlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Cabdullaahi Farax Weheliye, oo u dhaqama inuu Wasiir Juxaa ka sareeyo, iyo Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Cali Sheekh Maxamed Nuur iyo qaar badan oo ka tirsan agaasiyamayaasha waaxyaha iyo shaqaalaha Wasaarada.

Amardiida iyo kacdoonka qabiil ee wasiir Juxaa laga horyimid ayaa ka dhashay markii wareegto uu soo saaray Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Cabdi Farax Siciid ( Juxaa) uu xilkii uga qaaday Xoghayihii Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim, oo Wasiirku ku eedeyey wada shaqeyn xumo iyo xil gudasho la’aan, iyadoo Wasiirku xilkaas si ku meel gaar ah ugu magacaabay Cabdullaahi Maxamuud Xasan.

Nasiib daro wareegtaadaas Wasiirka waxaa si sharci daro iyo jar iska xoornimo ah uga horyimid Wasiirul dawlihii iyo Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Arimaha gudaha, oo iyagoon la tashan Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha si fawdo ah qoraalo ay ku diidayaan wareegtada Wasiirka ugu qeybiyey qaybaha kala gedisan ee warbaahinta magaalada Muqdisho, iyagoo sidoo kale qaylo iyo xasarad qabiil oo ka dhan ah Wasiir Juxaa ka dhex bilaabay Wasaarada Arimaha Gudaha.

Wasiir Cabdi Farax Siciid (Juxaa) ayaa ah Wasiirkii ugu horeeyey ee aan aheyn beesha Hawiye ee mudo 27 sano ah ka dib loo magacaabo Wasaarada Arimaha Gudaha, Wasaaradaas oo mudo dheer oo ah 27 sano ay gacan ku heynteeda isku wareejinayeen Wasiiro ka soo jeeda Beesha Hawiye, ayaa yeelatay dabeecad gaar ah oo u muqaal eeg ( Goof Hawiye) oo dhamaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradu ay ka soo jeedaan Hal beel kaliya, taas oo Wasiir kasta oo la keeno ka dhigaysa La hayste aan wax awood iyo saameyn ku yeelan karin wasaarada sida hadda haysta Wasiir Juxaa.

Amaanka Wasiir Juxaa.

Todobaadkii hore ayey warbaahinta magaalada Muqdisho baahiyeen in Wasiirka Amniga Dawlada Federaalka Somaaliyeed Maxamed Abuukar Islow uu hub ka dhigis ku sameeyey ciidankii gaarka ahaa ee sugayey Amaanka Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxaa, talaabaas oo sababtay in ay shaki iyo hadal hayn weyn ka dhex abuurtay xubnaha Golaha Wasiirada Dawlada Federaalka Somaaliyeed, taas ugu danbeyn Wasiir Juxaa ku khasbtay inuu gurigiisa ku dhex shaqeeyo.

Wasiir Yariisow oo xilkii ka qaaday Bahlaawi.

Sidaan ka warqabno 9 kii bishìi April ee sannadkan 2017 Wasiirka Warfaafinta Dawlada Federaalka Cabdirxmaan Cusmaan Cumar (Yariisow) ayaa xilkii ka qaaday Xoghayhii joogtada ahaa ee Wasaarada Warfaafinta ee mudada dheer booska xooga ku haystay Cabdirisaaq Cali Yusuf ( Bahlaawi) Nasiib wanaag Wasiir Yariisow madaadma uu yahay Wasiir Hawiye ah oo u dhashay magaalada Muqdisho, ee fadhiga u ah dawlada Federaalka Soomaaliyeed,lama uusan kulmin wax amar diido ah oo ay kala horyimadaan Wasiirul Dawlaha iyo Wasiir ku xigeenka iyo shaqaalaha Wasaarada Warfaafintu ( Miskiin baa misko la fuula leh).

Sidoo kale wareegtadii Wasiir Yariisow waxaa quweeyey oo markiiba gacan siiyey Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dad badan oo arimaha Soomaaliya lafagura ayaa aaminsan in xubnaha golaha wasiirada ee ka horyimid Wasiiraka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxaa ay gacan iyo taageero hoose ka heystaan Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, ayna socdaan talaabooyin Rabaayad looga dhigayo,laguna wiiqayo awooda siyaasadeed iyo saameynta uu leeyahay Wasiir Juxaa.

Isku soo wada duubo duruufo siyaasadeed iyo ku Amni oo qalfsan ayaa heysta, oo ay ka siman yihiin dhamaan xubnaha Dawlada Federaalka ah ee aan u dhalan Magaalada Muqdisho.

Waxaan qarsooneyn oo qof waliba uu ka warqabaa in Wasiir iyo wasiir ku xigeen kastaa oo aan Beelaha Hawiye u dhalan ee Xamar ku sugani uu Wasaaradiisa magan iyo marti ku dhex yahay ( Maqane jooga) isla markaana hawlaha iyo qorshaha wasaaradiisa aan waxba laga weydiin, kaliya waxay soo xaadiraan kulanka golaha wasiirada ee Khamiista.

Sidaa awgeed waa goor hore iyo khiyaali in la aamino in dawladnimo Soomaaliyeed oo loo siman yahay ay si xoriyad leh ugu shaqeyso magaalada Muqdisho, waxaana marag iyo markhaati kuugu filan Wasiirkii Juxaa ee ahaa shaqsiga ugu firfircoon, uguna waxqabadka fiicnaa markuu Puntland joogay,nasiib xumo inuu maanta Xabsi dawlo ugu jiro qoom naceyb iyo xumaato maankii iyo miyirkii kala tagtay.Nin hore baa laga hayaa ” Faruurow maxaa Berbera ku geeyey,suu yee FADUUL “

Puntlandi
Mogadishu

You must be logged in to post a comment Login